Walaalayaal, Waa **bishii ** Quraanka, ee quluubta hallo furo, oo si aad u weyn halloo soo dhoweeyo. Quraanka Kariimka ah, si aad u xeel dheer halloo qadderiyo, aqrintiisa aad hallo badiyo, si fiican macnihiisa halloo dhadhansado, murtidiisa halloo dhuuxo, dhabbihiisa toosan dhab halloo raaco. Cibaadaadka qur`aanka iyo sunnada ku tiirsani, waa in ay aad u sii macaanaadaan, u sii xoogoobaan. Macaasida, mafaasidda iyo dhaqammada qalloocan dhammaantood waa in ay bishan barakaysan ku xasuuqmaan (Alle ma soo celiyee).
Walaalayaal, bishan barakaysani, dhab ha u qaran jebiso qabyaaladaa foosha xun, ee umadda Alleheed dhinac walba ka walaaleeyay, sidaa daran isugu diri, ukala daadin, ukala faquuqi, ukala firdhin, caqliga ka dhaawici, adduunka ku ceebayn, dulli iyo dib u dhac badi (Alle ha hadeeyee).
Walaalayaal, dhab halloo wada baraarugo, dhab halloo xisaabtamo, khayrka iyo samaanta, dhab ha u kala soocmeen, Khayrka iyo samaanta si aad u wayn halloo xoojiyo, halloo xaqiijiyo, shar iyo xumaan oo dhan dhab hallooga xoroobo, (hallooga acuudu billaysto).
Walaalayaal, Dhab halloo xusuusnaado, oo had iyo jeer carrabka hallagu hayo in ay qabyaalad qur unlay tahay sharka iyo shaydaanimada ugu daran ee lagu ibtiloobay, lagu aafoobay. Bahashu hadda waxay haystaa saaxiibo dibadaha ka soo abaabulan, oo duulaan ku ah diinka xaqa ah iyo dhaqamadiisa hagaagsan iyo umaddaa midnimadeeda(Alle ha innaga badbaadshee). In ibtilooyinkaa laga daahnaado, oo dan laga geli waayo waa iimaan darro, aqoon darro, caqli darro aad u wada daran (Alle ha innaga badbaadshee).
UGU DAMABAYN, Walaalayaal, kaashado, halla isu bahaysto, oo yaan loo kala harin in dadaal aad uwayn oo madaanlaan ah loogu deeqo, sidii ummadda walaalaha ah khayrka iyo samaanta loogu xoojin lahaa, loogana xorayn lahaa qabyaaladdaa ibliis hogaanka u hayo, si ay ummaddu adduun iyo aakhiraba ugu hoogto uguna halaagsanto, (Alle ha badbaadshee).
Walaaalayaal, haddii ay taladani macquul ahaato, sii baahinteeda iyo sii badinteeda rabbigeen ajri hallagaga raadsao(Alle ha aqbalee).
CABDIRAXMAAN YUUSUF AADAM(KAARAAMARDHA)

